Wararka

Waa kuma wakiilka cusub ee Qaramada Midoobe u soo magacaawday Soomaaliya?

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobe António Guterres ayaa magacaabay wakiilka hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsanaan doona  Soomaaliya kaas oo lagu magacaabo James Swan.

James Swan waxaa uu badali doonaa wakiilkii hore ee hay’adda Qaramada Midoobe u joogay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom oo dowlada Soomaaliya ay dalka ka erisay.

James Swan waxaa uu dhashay 10-kii  bishi December, 1963, waxaa uuna ku dhashay caasimada  Washington DC ee dalka Maraykanka waana nin aad diblumaasi u ah sida ku lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay bogga hay’adda UNSOM.

James Swan waxaa uu waqtigiisi ugu badnaa ku soo dhamaystay dalalka Africa isagoo safiirka kasoo noqday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo laga soo bilaabo 2013-dii ilaa 2016-dii, Wakiilka Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya 2011-kii ilaa 2013-kii waxaa kale oo uu safiir kasoo noqday dalka Jabuuti 2008-dii ilaa 2011-kii.

Mr. Swan wuxuu soonoqday ku xigeenka kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Afrika 2006 ilaa 2008, iyo Agaasimaha Siyaasadda Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baarista laga soo bilaabo 2005 ilaa 2006.

Ka hor shaqooyinkaas Mr. Swan wuxuu kasoo shaqeeyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyada Congo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

Swan waxaa uu haystaa shahaadada B.Sc.-ta kana soo qaatay  Jaamacadda Georgetown oo u gaar ah arrimaha dibadda waxaa kala oo uu haystaa shahaadada M.A.-ga oo uu ka qaatay Dugsiyada ee Johns Hopkins, Mr. Swan waxaa kala oo uu master –degree ka qaatay Daraasaadka Nabadgelyada ee Kulliyadda Dagaalada Qaran(National War College).

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close