Wararka

Dooni ay saarnaayeen dalxiisayaal ubadnaa dalka kuuryada koonfureed oo ku rugmatay wabiga Danube ee  caasimada Budapest ee dalka Hungarian.

Dooni ay saarnaayeen dalxiisayaal  ubadnaa dalka kuuryada koonfureed ayaa ku degtay wabiga Danube ee caasimada Budapest ee dalka Hungarian kaas oo balaciisa dhanyahay 450 mitir, waxaana goobtaas gaaray Kooxda gurmadka deg deg ah iyagoo baaritaanao iyo gurmadba kawada halkaa.

Sida ay  xaqiijiyeen Booliska dalka Hungarian, 35 qof ayaa saarnaa doonida, waxaa dhintay toddoba ruux halka toddoba kalana labadbaadiyay waxaana la’layahay 21 ruux. 19 kamida dadka lalayahay ayaa waxaa ay ka soo jeedaan dalka kuuryada koonfureed halka labada kalena ay kasoo jeedaan dalka Hungarian.

Ha’adda hoggaanka u haysay dalxiisayaashaan ee layirahda Very Good Tour agency, ayaa sheegtay in doonida ay dib ugu soo laabanaysay caasimada Budapest ee dalka Hungarian habeennimadii arbacada xiligaas oo aheed goortii uu  shilka dhacaay.

Ha’adda ayaa  sidookale xaqiijisay In dalxiisayaashaa badankood ay ahaayeen kuwa iskula socday qoys-qoys,  waxaana kamida dadka doonida ku haligmay gabar 6-sanno jir ah oo anan la xaqiijin dalka ay kasoo jeeda.

Ha’adda ayaa sheegtay in dalxiisayaasha ay kuuryada koonfureed ka soo baxeen taarikhda markeey aheyd 25-kii bishii May waxa ayna laaban lahayeen 1-da Juun.

Korneel u hadlay Booliska dalka Hungarian oo layerahda Col. Adrian Pal ayaa sheegay xiliga ay doonida rogmanaysay in uu socday roob aad u xoogan taas oo sababtay in ay doonida rogmata.

Madaxweynaha dalka kuuryada koonfureed Moon Jae-in ayaa amar ku bixiyay in la taageero kooxaha gurmadka deg deg wado isagoo magacaabay guddi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Kang Kyung-wha si uu xiriir dhaw ula yeeshay qoysaska dadkooda ku la’san masiibadaas.

Hungarian authorities search for remains from a tourist boat that capsized on the DanubeHungarian police inspect DanubeThe majority of the tourists on the boat are reportedly from AsiaSouth Korean Embassy personnel help identifying the victims of an accident during a search operation for survivors on the River Danube in downtown Budapest, Hungary, Thursday, May 30, 2019. A massive search was underway on the Danube River in downtow

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close