Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qadar.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis isugu yeeray dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta kulankaas oo ka qabsoomay magaalada barakeysan ee Makkah.

Shirkan ayaa laga hadlay xaaladaha ugu danbeeyey ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Kulanka oo laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhoor qodob ayaa waxaa lagu cambaareeyay gantaalo ay kooxda Xuutiyiinta ay ku soo gameen maalmihii ugu danbeeyay dalka Sacuudi Carabiya

Sidoo kale madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah layeeshay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close