Wararka

Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Shir Guddoomiyey Kulan Looga Hadlayey Ka Hortagga Abaaraha Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad goboleedka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay wafdi ballaaran oo ka socdey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’addaas Sacad Muhanna iyo guddiga abaaraha oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland .

kulan ka ayaa looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa si qoto dheer loo faaqiday xaaladda abaaraha Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa Abaarta.

Wasiirka Wasaaradda Dekaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid ayaa ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu weftiga hay’adda Boqor Salmaan iyo guddiga Abaaraha

Waxayaabaha ka soo baxay kulankan ayaa waxbadan ka tari doona sidii looga hortagi lahaa abaaraha ka jira puntland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close