Wararka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dawladda Ingiriiska usoo magacowday Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska ay u soo magacowday jamuuriya Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska dhawaan u soo magacowday jamuuryada faderaalka Soomaaliya ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada Dal.

Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa badalay Danjirihii hore ee dowlada UK u joogay Soomaliya David Congor, kaasi oo Muddo Xileedkiisa uu ka dhammaaday.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close