Wararka

Xaflad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda

Xaflad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta ka dhacaday xarunta Wasaaradda waxaana ka soo qaybgalay Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenka, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelinta Dastuurka, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Masuuliyiin ka socotay hay’adaha UNDP iyo Maxplanck, iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Ugu horeeyn, labada Gudoomiye ee Gudiyada arrimaha Dastuurka ayaa khudbado soo dhaweeyn ah ka jeediyay xafladda iyagoo ballanqaaday inay si dhow u la shaqeeyn doonaan wasiirka cusub.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo xilka wareejinayay ayaa khudbad uu ka jeediyay xafaladda waxa uu kaga hadlay guulihii ay wasaaradda gaartay laga soo bilaabo sanadkii 2017ka ilaa iyo maanta, Wasiir Ku-xigeenka waxqabadkii uu sheegay waxaa kamid ahaa hagaajinta hab-maaamulka Wasaaradda, aas-aasidda Madasha ay ku kulmaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, qabashadii Shir-weynihii Qaran ee lagu Daah-furay Ollolaha Dib-u-eegista Dastuurka, xoojinta arrimaha wacyigelinta bulshada ee sare u qaadidda ka qaybgalka dadweynaha ee arrimaha dib-u-eegista Dastuurka, iyo arrimo kale oo waxqabadka wasaardda kamid ahaa.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo khudbad jeediyay kadib markuu xilka la wareegay ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka ee anigoo aanan doonan ii dhiibay xilkan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan si dhow idiin la shaqeeyo, ma noqon doono carqalad idinku soo korortay ee howshii sideeda ayay u sii socon doontaa”.

Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo xafladda soo xiray ayaa ugu horeeyn Alle ugu baryay Wasirkii hore Cabdi Xoosh inuu Alle Janatul Firdowz ka waraabiyo, dhanka kale waxuu Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu howsha Wasaraadda sii dar-dargeliyo, wuxuuna howlwadeenada Wasaaradda ku ammaanay guulaha ay gaareen labadii sano ee la soo dhaafay.

Ugu dambayn, Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka wuxuu sheegay in madaxda sare ee Qaranka ay ka go’antahay dhameeystirka Dastuurka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close