Wararka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo kulan layeshay danjiraha  Dowlada Sweden u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankan oo ay si gaar ah magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ugu qaateen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo danjiraha  Dowlada Sweden u qaabilsan Soomaaliya Andreas von Uexküll aya diirada lagu saarey arrimo ay ka mid ahaayen  dooroshooyinka ka dhaci doona jubaland,  Amniga iyo wadashaqeynta  ka dhexeysa  Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada.

Danjiraha Sweden u qaabilsan Soomaaliya ayaa madaxweynaha Jubaland  u sheegay in ay doorashada dhacdo xilligii loogu talogalay isla markaana laga fogaado wax waliba oo isqab-qabsi keeni kara.

Qodobada kale ee ay isla lafa gureen madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo danjir Andreas von Euxkul ayaa waxaa ka qeyb aheyd arimaha amniga waxaana uu madaxweynaha Jubaland soo jeediyay a inay muhiim tahay in la fuliyo heshiisyadii Amniga si looga adkaado al-shabaab una sahlanaato daadejinta nidaamka dowladnimo.

Madaxweynaha Jubland xmed maxamed Islaam ayaa wajihi doona loolan dhinaca doorashada madaxtinimo ee Jubaland oo ay isu soo taageen musharaxiin badan.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in meesha ay ka baxeen Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kuwaas oo siyaasadda ahaan ay aad  isugu dhowaayeen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 1 person, standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close