Wararka

Xaflad lagu sagootiyay masuuliyiintii ka qayb gashay shirkii wada-tashiga lagu qabtay Dhuusamareeb.

Munaasabadda Lagu Sagootinayey Madaxdii iyo Wufuudii kasoo qeybgashay Shirweynaha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimad dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa munaasabaddan kasoo qeyb-galay; Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Saciid C/lahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha KGS Cabdul-casiis Xasan laftagareen, Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale, madashaan waxaa goobjoog ka ahaa Xubnaha ka tirsan Golleyaasha Fullinta iyo sharci dejinta ee heer qaran iyo dowlad goboleed iyo qeynaha bulshadda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaan madaxda Qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka sida ay u soo ajiibeen codsigoodi gogasha ay ka fidiyeen Dhuusa-mareeb.Image may contain: 4 people, suitImage may contain: 2 people, people sitting and suitImage may contain: 6 people, wedding, crowd and outdoorImage may contain: 8 people, suitImage may contain: 7 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close