Wararka

Gudiga dib uhabaynta Ciidamada Puntland oo Daahfuray diwaan galinta Ciidamada Booliska iyo birmadka Puntland.

Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Dawlad Goboleedka Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa saxida iyo diwaan galinta Ciidamada Booliska iyo birmadka ka bilaamay Magaalada Boosaaso ee caasimada gobolka Bari.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa waxaa shaqadaan ku weheliyay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere.

Daahfurka diwaan galinta Ciidamada Booliska iyo birmadka Puntland ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha Booliska Gobolka Barri iyo SPU iyadoo ay Kooxaha diwaan galinta iyo Hibinta Caafimaadka ay galeeyeen Goobaha Ciidamada ee gudigu shaqada ka wadan si loo ogaado tirada Ciidamada la diwaan galiyay.Image may contain: 1 person, standing, crowd and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and sunglassesImage may contain: 7 people, outdoorImage may contain: 2 people, outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close