Wararka

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka waxbarashada xukuumada Federaalka ayaa hadda gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana garoonka caalamiga ah ee Shaati Gaduuud kusoo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in uu Baydhabo u tagay sidii uu ugu fulin lahaa mashaariic ku aadan dhanka waxbarashada waxaa uuna u mahadceliyay wasiirka waxbarashada Koonfur galbeed iyo shacabka qaybahooda kala duwan ee sida diiran ugu soo dhaweeyay Baydhabo.

“Waxaan maanta soo gaaray magaalada Baydhabo Jannaay ee Gobolka Baay oo aan u nimid in aan ka fulinno mashaariic waxbarasho. Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan sida wacan oo ay noogu soo dhaweeyeen magaalada Baydhabo” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

ImageImageImage

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close