Wararka

Wasiirka waxbarashada oo Amar ku bixiyay in Dugsiyada Sare ee dalka laga dhigo buugagta Qaranka ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay Amar lagu dhaqan galinaayo in dugsiyada sare ee dalka laga dhigo buugagta Qaranka ee Dugsiga Sare.

Siihayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullahi Godax Barre oo ka hadlay xeerkaan uu maanta ansixiyay ayaa sheegay in ay waajib tahay in Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare laga dhigo dhammaan dugsiyada dalka sannad-dugsiyeedkan.

“Waxaan maanta soo saaray Xeerka Ansixinta iyo Dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka” ayuu yiri Wasiir Godax.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda ee Amarka Dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close