Wararka

Booliska Gobolka Banadir oo gacanta ku dhigay Guri lagu diyarin jiray Maan-dooriyaha.

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banadir ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen Guri lagu diyaarin jiray Maandooriyaha kaas oo ku yalla degmada Dharkinley ee gobolka Banadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo ka warbixiyay howlgalkaani ay ciidamada Booliska gacanta ugu dhigeen Maandooriyaha ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka uu u dhacay Howlgalka waxaa uuna sheegay in ay tani ku suurta gashay kadib wada shaqeyn dhexmartay Dadka Shacabka ee degan Dharkinley iyo Booliska Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Eedeysanayaasha waloow ay isku dayeen in ay sameeyaan iska caabin.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in ay hayaan calaq dhan 22 jirgaan oo buuxa, Lix Fuusto oo calaq ka buuxa, Shan digsi oo lagu karinaayay Calaqa, 28 caagagta yar yar ee lagu suuq geyn jiray Calaqa. Sidoo kale beer xashiis ah oo hadda lagu beeraayay ilaa 50 geed oo xashiis ahna ay ku taashay guriga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close