Wararka

“Francisco Madeira” Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee Khamiistii ka dhacay caasimadda Muqdisho .

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee Khamiistii ka dhacay caasimadda Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen  dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Francisco Madeira, oo ah Madaxa Howlgalka AMISOM iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama iyo goobaha kale ee ganacsiga ay cadeyn u tahay sida xagjiriintu u ixtiraameyn xuquuda aadanaha ama u tixgelineyn ahmiyada nolosha u leedaha aadanaha.

“Ujeedkooda ugu muhiisam waa iney hoos u dhigaan horumarka ay gaareen Dowladda Federaalka,dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,saaxiibadooda ku howlan horumarinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayuu Madeira ku yiri war qoraal ah uu soo saaray.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa muujiyay  taageerada uu u hayo xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tacsi u diray Ehalada dadka waxyeelada soo gaartay.isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay in si dhaqsi ah u soo bogsadaan.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close