Wararka

Wasiirka Boosta, isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS oo la wareegtay xarunta taleefannada dalka.

Wasiirka Boosta, isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa maanta la wareegay xarunta taleefannada dalka oo ku taalla degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir.

Wasiirka oo goobta hadal kooban  ka jeediyay ayaa sheegay in ugu dambayn June 10, 2019 in dib-u-dhis lagu billaabayo, marka lagu guulaystana dhismahana laga dhigayo xarun tababar oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay kusoo bandhigaan hal abuurkooda la xariira Teknoolojiyadda.

Goobtaan oo ay dad shacab ah daganayeen ka hor  intii aan dowladdu dib ula soo wareegin ayaa waxaa ku harsanaa Qoysas kuwaas oo uu wasiirku ku war-geliyay in ay ka guuraan inta aan la gaarin waqtiga loo qorsheeyay in uu billaawda dib-u-dhiska  si ay qayb uga qaadato fududaynta adeegyada wasaaraddu bixiso iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Boosta oo dadaal ku bixinayso sidii ay dib u soo celin laheed  adeegyadii lagu waayay burburkii dalka ayaa maalma ka hor waxa ay shaacisay in dib-u-dhis lagu billaabayo xarunta machadka tababarka isgaarsiinta qaranka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close