Wararka

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, oo xariga  ka jaray Wersheda Tayo Plastic oo laga hirgeliyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Wersheda samaynta Caagaga (TAYO PLACTIC FACTORY) oo laga hirgeliyey Caasimadda Hagreysa.

waxaa goob joog ka ahaa xarig jarka warshadaan  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiiradda Wasaaradaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershedaha, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir ku xigeenka Horumarinta Maaliyadda Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Deeqa Cabdi Yuusuf.

Ugu Horayn waxa halkaasi hadal ka jeediyey maamulka iyo masuuliyiita Wershedaasi cusub kuwaasi oo ka warbixiyay, faa’idada ay Wershadan u leedahay bulshada kudhaqan deganada Somaaliland iyagoo sheegay in laga maarmi doono Caagii laga soo dhoofin jiray Waddamada jaarka ah.

Madadxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii munaasibadaasi soo xidhay ayaa soo dhaweeyey Wershada cusub waxaa uuna u rajeeyay  inay wax badan ka tari doonaan dhibaatooyinkii ka tagnaa dhanka wax soo saarka Caagaga.Image may contain: 3 people, people smilingImage may contain: 5 peopleImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 13 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people smilingImage may contain: one or more peopleImage may contain: 6 peopleImage may contain: 6 people, people smiling, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close