Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Azerbaijan

Muqdisho, February 15, 2022 — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,  Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramov, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dal.
Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda ku lafo-guray sidii ay Labada Dowladood u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Labada Dal u leedahay horumarinta cilaaqaad ku qotoma danaha qaran ee Labada Shacab iyo Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close