CiyaarahaWararka

Hay’adda NISA oo sheegtay inay gacanta kusoo dhigeen xubin sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA oo lagu daabacay barta twetter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu shaaciyey in Ciidamada ammaanka howlgal ay ka sameeyeen degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose  lagu soo qabtay Xubin ka tirsanaa xarakada Al-Shabaab.

Qoraalka ay NISA ku soo daabacday barta twetter-ka ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay xubin alshabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha.

Waxaa qoraalka kasoo baxay twetter-ka ha’adda NISA lagu yiri“Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe AS ah oo shacabka ka qaadi jiray lacag baad ah. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha AS”.

Qoraalka ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA laguma shaacin magaca shaqsiga ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen sidoo kale ma aysan baahin sawirkiisa ama muqaal ku saabsan ruuxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeeen.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close