Wararka

Wasiirka Arrimaha Dastuurka oo daahfuray kulamo-howleedyo looga doodayo arrimaha baahinta awoodaha.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka xukuumada federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo Wasiir Ku-Xigeenka wasaaradda Xuseen Cabdi Cilmi, ayaa maanta magaalada Mudisho ka furay kulamo-howleedyo looga doodayo arrimaha baahinta awoodaha, kheyraad-wadaaga iyo nidaamka maaliyadeed ee federaaleynta kuwaasoo laf-dhabar u ah dhameeystirka dastuurka.

Kulamo-howleedka oo socon doona muddo isbuuc ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, UNDP iyo marba hay’adaha dowladda ee loo baahdo.

Wasaaradda  Arrimaha Dastuurka xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaallo lagu dhamaystiraayo dasturka dalka waxaana dhawaan uu wasiir  Saalax Axmed Jaamac daahfuray kulamo looga doodaayo dastuurka kaas oo ay kasoo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan.Image may contain: 1 person, suit and weddingImage may contain: 5 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close