Wararka

Dowlada Soomaaliya oo ka tacsiyaysay Geerida Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi.

Waa kuma Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,  Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha  Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda  Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Cusmaan Cumar Cabdullaahi oo ahaa Xoghayaha labaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Liibiya oo habeennimadii Khamiista, 16 April, 2020 ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi oo ku dhashay sanadkii 1958 degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku soo biiray sanadkii 2016, iyadoo isla sanadkaasi loo magacaabay xilka Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya , kahor inta aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda loo soo wareejin waxa uu ahaa Maareeye kuxigeenka labaad ee Wakaaladda Howlaha Maraakiibta iyo Gaadiidka Badda ee Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka Badda iyo Dekadaha oo loo diiwaangeliyay shaqaale ahaan sanadkii 2013.

Diblomaasi Osman Omar Abdullahi oo ka qalinjebiyay Kulliyadda Juquraafiga iyo Taariikhda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanadkii 1984 ayaa bare ka kala noqday dugsiyo hoose, dhexe iyo sare oo ku kala yaalla Soomaaliya iyo Yemen.

Marxuum Cusmaan Cumar waxa uu kala shaqeeyay Danjire Muxiyaddiin Maxamed Kaalmooy howsha lagu soo siideynayay dad badan oo Soomaali ah oo xabsiyo ku yaalla gudaha Liibiya ku xirnaa muddo dheer.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close