Wararka

Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed oo 11 qodob laga soo saaray.

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-gobolleedka Puntland kusoo gaba gabooway Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed waxaana kasoo qayb galay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Wasaaraddaha Shaqada ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo soo bilowday intii u dhaxeysay 14ka illaa 17ka Luulyo 2019 ka ayaa waxaa diiradda lagu saaraayay Arrima badan oo muhiim ah, oo la xiriira xoojinta dadaallada, Jiheynta Dhallinyarada iyo Shaqo Abuurka waxaana ka qaybgalay Wasiirrada,Agaasimeyaasha Guud, Agaasime Waaxeedyadda,Khuburada Wasaaraddaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa ka soo baxay Go’aamadda hoos ku xusan:

1- In Shaqo Abuurka yahay muhiimada koowaad ee Qaranka.

2- Waxaa qiimeyn dhab ah lagu sameeyay mashruuca shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed oo gabo gabo maraya, waxaana la isla gartay in caqabadihii jiray si wada jir ah loo xalliyo, guulihii mashruucana la boggaadiyo.

  1. In la ballaariyo mashaariicda Shaqo Abuurka, lana gaarsiiyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Dalka.

4- Si looga jawaabo baahiyaha ka jira xirfadaha in la soo nooleeyo dugsiyadii farsamada Gacanta ee Dowladda Gacanta ku haysay, lana hirgaliyo kuwa cusub.

  1. In la xoojiyo hab-maamulka Shaqo Abuurka Dalka, Lana mideeyo dadaallada kala duwan ee Shaqo Abuur.
  2. In la dhiirrigaliyo Ganacsiyada Waawayn, Yar yar iyo hal-abuurka Dhallinyarada.
  3. In Maalgashi dhab ah lagu Sameeyo,fursado shaqana laga abuuro qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Dalka.
  4. In Dowladda Federaalka iyo Dowladda Xubanaha ka ah iyo Maamul Gobolka Banaadir si joogto ah uga wada-shaqeeyaan, Mashaariicda Shaqo Abuurka.
  5. Madashu waxay uga Mahadcelineysaa Dowlad-gobolleedka Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha soo Dhaweynta,Marti-gelinta iyo Dadaallada ay Galisay Guusha Shirka.
  6. Madashu waxay sidoo kale u Mahad-naqaysaa, Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Qaybta ka ah Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed.
  7. Gabagabadii, Madasha waxay ay uga danbayn u Mahadcelineysaa Deeq-bixiyayaasha,kaalintuu mugga lahayd ee ay ka qaateen Hirgalinta Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, Waxayna Madashu ka Codsatay inay sii wadaan taageeradaas.

     

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close