Wararka

Wasaarada Gargaagarka iyo Maaraynta Masiibooyinka dalka oo sheegtay in dalku ay ku soo wajahantahay Abaarro aad u daran

Wasaaradaha Gargaagarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo ku shiray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalku ay ku soo wajahantahay Abaarro aad u daran sida saadaashu sheegeyso  loona baahan yahay in arrintaas laga hortago.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiiibooyinka Cabdirashiid Xasan ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa  Dowladda Soomaaliya ay Baaq ka soo saari doonaan arrinkaan.

“Waxaa arrintan baaq kasoo saari doona Madaxda Dowladda ugu sareysa sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaan kuu sheegi karaa hadda in dalka abaar dhibaatadeeda wadato ku soo socoto taasna waxa kaliya oo aan u baahanahay ayaa ah in aan ka hortagno”.

Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa dhankiisa sheegay in Koonfur galbeed tahay meelaha ugu badan oo dadka abaartu ku saameysay isagoo xusay in magaalada Beydhabo ay ku sugan yihiin barakacyaal aad u badan.

“Koonfur Galbeed waa meelaha ugu badan oo dadku abaartu ku saameyso magaalada Beydhabo waxaa jooga Barakacayaal ka badan dadka deegaanka ah”.

Deegaanada Soomaalidu ay degto ayaanan wali ka curan roobka gu’ga ee da’ijiray xiliyadaan taas ayaana keentay in walwal fara badan laga muujiyo in dalka xaalad abaareed oo daran inuu galo.

Dadka reer guuraaga ah ayaana ah dadka intabadan ka soo yeertay  cabashada roob la’aanta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close