Wararka

Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD oo ka war-bixiyay Booqasha uu maalmahaan ku-joogay Magaalada Kismaayo.

Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Guyow oo Saxaafada kula hadlay magaalada kismaayo  ayaa sheegay in maalmahan ay kismaayo u joogeen howlo la xiriira doorashooyinka Jubbaland iyagoo la shaqaynaya howlwadeenada caalamiga ah ee doonaya in howlaha doorashooyinka Jubbaland ay ku dhacaan qaab hufan oo xor ah.

Wafdigu wuxuu inta uu joogay kismaayo uu kulamo la qaatay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin. Musharaxiinta Madaxtinimo ee is diiwaan galiyay. iyo kuwa aan diiwaan gashanayn. Odayaasha dhaqanka. Ururada Bulshada. Xildhibaanada Federaalka ah ee laga soo doortay Jubbaland. gudoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka.

Danjirahu wuxuu sheegay in IGAD ay cadaynayso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashooyinka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee Jubbaland  wuxuuna tilmaamay in  taasi oo horay usii wadaysa geedi socodka yagleelida Dowladnimada iyo maamul wanaaga kuwaas oo xoojin doona amniga xasiloonida iyo kobaca hormarka bulshada.

Dr Maxamed Guyow wakiilka IGAD wuxuu intaas ku daray in uu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax banaan oo qaab hufan ku dhaca oo loo siman yahay taas oo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland si arintan loo xaqiijiyo waxaa uu sheegay in Shacabka iyo hogaanka Jubbaland ay ugu baaqayaan in nabada iyo xasiloonida laga wada shaqeeyo.Image may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close