Wararka

Wafdigii ka socday dowlada federaalka ee ka qayb galay Shirkii Wadatashida Puntland oo soo dhaweeyay safarka Madaxweyne Den.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad Iyo Madaxdii Kale ee Dawladda Puntland Ku Matashay Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Shir Jaraa,id Garoowe Ku qabatay ayaa Taageeray Qodobadi ka soo baxay Shirkii Wadatashida Puntland iyo Safarka Madaxweyne Deni uu ku tagayo Muqdisho.

Danjire Axmed Ciise Cawad oo akhriyay qodobada kasoo baxay shirka ay yeesheen wafdiga dowlada dhexe ee ka qayb galay shirkii Wadatashida Puntland ayaa sheegay in ay Soo dhaweyniyaan safarka Madaxweynaha Puntland oo ku tagaayo Muqdisho kalkaas oo lagu wado in uu kula kulmo madaxda ugu sarayso dowlada dhexe.

Dhanka kale wafdiga ayaa bogaadiyay gogosha uu fidiyay madaxweyne Deni taas oo looga hadli doona aayaha iyo mustaqbalka Soomaaliya oo lagu wado in ay ka qayb galaan madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close