Wararka

Dowlada U.K oo walaac ka muujisay markab ay qafaalatay Iiran.

Dowlada Iiran ayaa qabsatay markab ku safraayay Gacanka  Boqortooyada Ingiriiska waxaana arrinkaa walaac ka muujisay dowlada U.K.

Sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, waxaa ay walwal badan ka muujiyeen markab ku sugnaa marinka Hormuz kaas oo ay saarnaayeen 23 qof, waxaa uuna itaas raaciyay in markabka koox aan la garaneen oo doonyo watay sidoo kalena ay diyaarad nooca qumaatiga u kacana watay ay afaashteen.

Milkiilaha markabka oo layirahdo Stena Impero, ayaa sheegay in aanay u suuragelin in ay markabka la xiriiraan,Xili MArkabka Hadda uu  ku sii socdo dhinaca waqooyi ee Iiraan.

Dowlada Iiran ayaa sheegtay in ay ayadu leedahay Maamulka  iyo Ilaalinta Marinka Hormuz waxaana gacanka Hormuz Kol Hore  ka dhacay Dhacdooyinka Ay Ka mid ahaayeen in lagu quusiyay maraakib Dhowr ah .

Sidoo kale waxaa Xusid mudan  in dowlada U.K ay ka mid aheyd 6-dii  dowladood ee Iiran lagalay heshiiska baabi’inta baacriminta Nukliyaarka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close