Wararka

Axmed Madoobe oo ku biiray musharaxiinta qaatay shahaadada musharaxnimo ee Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Mohamed Islaam (Ahmed Madoobe) ayaa maanta oo sabti si rasmi ah isu diiwaan galiyay Wuxuuna qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Oo markii Isdiiwaan galiyay la hadlay Saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta gudiga madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka isagoo sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadalo nacayb iyo fowdo ah.

Madaxweyne axmed madoobe oo soo hadal qaaday Magacaabista Gudiga Doorashooyinka ayaa wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha balse isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin loona baahan yahay in loo hogaansamo waxaa uu intaas ku daray in dhamaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gorgortan galaynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida guud.

Qaar kamid ah musharaxiinta kasoo qaybqaatay halgankii Jubbaland looso maray ayuu ku booriyay in ay dib u eegan halka laga yimid iyo dhibkii looso maray dhismaha Jubbaland isla markana aanay u durbaan tumin shaqsiyaad kor ka yimid oo aan ka warqabin duruufaha dadka ree Jubbaland.Image may contain: one or more peopleImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 3 people, people smiling, people sittingImage may contain: 1 person, standing, outdoor and natureImage may contain: 1 person, beard

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close