Wararka

Toddoba qodob oo laga soo saaray kulankii looga hadlayey arimaha isgaarsiinta Soomaaliya oo ka socday Baydhabo.

Waxaa Magaalada Baydhaba ee caaismada kumeel gaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  maanta lagu soo gaba-gaboobey  shir looga hadlayey arimaha isgaarsiinta Soomaaliya kaas oo ay soo qaban qaabisay  Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada  xukumada fadaralka islamarkana ay ka qeyb galeen wasaradaha boostada iyo isgaarsiinta mamaul goboleedyada xubnaha ka ah dowlada fadaralka Soomaaliya.

Kulankan  ayaa magalada baydhabo waxa uu ka socday intii u dhexeysay 13-ka illaa 15-ka bishan Agoosto ee 2019-ka waxana horaan si rasmi ah u daah furay  Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) waxana maanta  soo xirey Gudoomaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Masuuliyiin tii ka qeyb gashay shirka intii uu socday waxa ay islameel dhigeen 7 qodob kuwaas oo kala ah:

  1. Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee DFS kulankan wadatashiga ah iyo kii ka horeeyeyba waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.
  2. Waxa ay bogaadiyeen shaqooyinkii qabsoomey intii u dhaxeysay labada shir weyne taasi oo la fuliyey shaqooyinkii lagu balamay badankooda inta harsanna ay socoto shaqadoodu iyada oo ay ka wada shaqaynayaan WBIT heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta iyo Bankiga Aduunku.
  3. Waxa ay soo dhaweeyeen sida quruxda badan ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadd heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed uga wada shaqeeyeen ka howl gelidda iyo dardar gelinta Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta wejigiisa Labaad iyo kan Sadexaad ee la rajaynayo.
  4. Waxa la isla qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo ka faa’ideysashada mashruuca Cusub ee Dadaalka Geeska Afrika, kaasi oo war bixin ku saabsan goobta uu MTI ku soo bandhigey. Dhamaan kasoo qeyb galayaashuna ay soo dhaweeyeen mashruucaa laguna balamay in dhamaan ka faa’ideystayaasha kala duwan ay si mug leh uga qeyb qaataan.
  5. Waxaa la’isku raacay in shirka kan xiga lagu qabto magaala madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ee Jowhar.
  6. Waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah iyo waxyaabihii tiradda badnaa ee ay u qabteen dalka guud ahaan.
  7. Ugu danbeyn waxaa loo mahad celiyey Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u marti geliyeen shirkan.Image may contain: 3 people, people sitting and people standingImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close