Wararka

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Amisom oo ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday diyaaradii Ethiopian airlin.

Cristine Alola oo heed Kusimaha Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM ayaa la xaqiijiyey inay ka mid aheyd dadkii ku geeriyooday shilkii Diyaaradeed ee Axadii shalay ka dhacay dalka Itoobiya, kadib markii ay burburtay Diyaarada Ethiopian Airlines.

Cristine ayaa la shaaciyey inay ka mid aheyd rakaabkii saarnaa diyaaradaas, oo kasoo kicitantay Magalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya kuna sii jeeday Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo ayaa xaqiijiyey geerida Cristine Alola,waxaana saacadba saacada ka dambeysa isasoo taraya aqoonsiga qaar ka mid ah 149 Ruux oo Rakaabka diyaarada ka mid ahaa ee geeriyooday.

Si kastaba Diyaarada Ethiopian ayaa Axadii shalay waxaa ay ku burburtay meel u dhow Tuulo lagu Magacaabo Tulu Fara, taas oo duleedka ka ah magaaladda Bishoftu oo 60-KM dhanka K/bari kaga toosan magaaladd Addis Ababa  oo ah Xarunta dalka Itoobiya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close