Wararka

Laba ruux oo ka badbaaday shilkii diyaaradii dhacday ee Ethiopian airline.

Nin u dhashay dalka Giriigga oo lagu magacaabo Antonis Mavropoulos ayaa sheegay iney diyaaraddu kaga tagtay 2 daqiiqo wax ka yar oo uu ka soo dib dhacay xilligii uu xaroon lahaa.

Wuxuuna sheegay xilliga ay diyaaradda ka tageysay oo ay shaqaalaha airboorka celiyeen inuu aad u carooday oo uu weliba shaqaalaha la dagaallamay.

Wuxuuna boggiisa facebook uu ku soo qoray “maalinti noolashayda  ugu nasiibka badneyd”.

Ninka labaad oo aan magaciisa la shaacinna waxaa laga celiyey albaabka kore ee baaritaanka isaga oo loo sheegay inuu diyaaraddan ka soo dib dhacay tan xigtana uu raaci doono.

Wuxuuna tacsi uu u diray dhammaan dadki ay eheladooda ku geeriyoodeen shilkaasi diyaaradeed.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close