Wararka

Madaxwaynaha dowlada Puntland oo kulan la yeeshay  jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta.

Madaxwaynaha dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la yeeshay  jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay, Qunsulka Soomaliya u fadhiya Imaaraadka, Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka, Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka.

Madaxwaynah oo munaasabadda Khudbad ka jeediyey madasha ayaa ka warbixiyey guulaha safarkii Imaaraadka Carabta ee isaga iyo weftigiisa la yesheen madaxda dalkaas.

“Waxaan rabnaa in dalkeena la maal gashto waxyaabaha anaga nalaga rabo oo ay ugu horayso inaan amniga hagaajino, sidoo kale waxaan rajeynaynaa in ay Puntland hesho qawaaniin cad cad oo ilaalinaya cida maal gashanaysa iyo inaan mar-waliba xaq dhowrno dadka na-maalgashanaya xuquuqda ay dalka soo galinayaan”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegey in ay dib u bilaabmayso dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close