Ciyaaraha

Tababare  Emery  oo sharaxay sababtii uu u badalay qaarka mid ah xidigahiisa.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sharaxay sababtii  uu badalka ugu sameeyay xidiga Dani ceballos kulankii ay Arsenal bar-baraha la gashay kooxda Watford kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league todobaadkii 5-aad.

Uunai Emery  ayaa sheegay  in sababtii  uu u badalay  Dani ceballos ay ahayd in uu doonayay in uu xidigo aan daala neen ku biiriyo  ciyaarta  si ciyaarta  ubadalaan. Gunners ayaa iska tuurtay 2-gool oo ay ku hor martay qaybtii hore ee ciyaartii axadii iyaga oo xitaa nasiib ku lahaa in ay bar-baro kala baxaan ciyaarta marka loo eego  qaab ciyaareedkii  Watford ee qaybtii dambe  ee ciyaarta.

Dani Ceballos ayaa mar kale noqday xidiga  Arsenal ah ee baasaska  ugu badan dhamaystiray ka hor intii aan ciyaarta daqiiqadii 60-aad   inkasta oo ayna Arsenal maamulayn ciyaarta xitaa markii ay labada gool ku hogaaminayeen  ciyaarta laakiin taageerayaal badan ayaa ka xanaaqay markii uu Enery  saaray Dani Ceballos  laakiin emery ayaa difaacay go,aankiisa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close