Ciyaaraha

Tababaraha kooxda Man United oo u careeysan laba xidig oo kooxda ah.

Tababaraha kooxda Man United E ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa in uu si weyn ugu xanaaqsan yahay xidigaha weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Marcus Rashford & Anthony Martial sida ay sheegayaan waraku sababta oo tababare Solskjaer ugu xanaaqsan yahay xidigaha Marcus Rashford iyo Anthony Martial ayaa ah gool dhalin la,aanta labada xidig ee kulamadii ugu dambeeyay.

Tababaraha reer Norway ayaa labada xidig dartood u fasaxay xidigaha Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez kuwaas oo amah ugu biiray inter Milan isaga oo doonayay in uu labada xidig ka dhigto xidigaha ugu muhiimsan kooxda kuna aaminay in ay goolal badan u dhaliyaan kooxda Man United.

Laakiin wargayska Athletic ayaa  sheegaya in tababaraha Man United ka niyad jabsan yahay labadiisa xidig in ayna lahayn awood ay ku dili karaan ciyaaraha kuna dhalin karaan goolal muhiim ah taas oo soo if baxday kulankii Southampton.

Da,yarka Daniel James ayaa dhaliyay goolka 1-aad Man United kulankii Southampton  xili ay Red Devils mar kale lumisay 2-dhibcood oo muhiim ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close