Wararka

Somaliland oo laga helay xaalada cusub oo la xariira Coronaviruska.

Guddiga ka hortaga xanuunka Coronaviruska ee maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in seddex qof oo cusub laga helay COVID-19.

Wasiirka caafimaadka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in seddexdaan qof ay kamid ahaayeen 24 ruux oo ay dhawaan sheeybaar kooda u gudbiyeen Magaalada Nairobi dabadeedna seddexdaan laga helay waxaa uuna intaasi raaciyay in seddexdaan qof laba kamid ah ay kusugan yihiin Magaalada Hargaysa halka kan kale uu jooga Magaalada Boorama.

Wasiirka ayaa shacabka reer Somaliland u soo jeediyay in ay naftooda ka taxadiraan cudurkaana uu yahay mid dhab ah oo jiro waxaa ayna Tirada guud ee dadka qaba xanuunkaan Coronaviruska Somaliland ka dhigaysaa 5 qof.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close