Wararka

Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo magacaabay Guddiga Qaban qaabada munasabada uu xilka kula wareegaayo Duqa cusub ee Casimada.

Degreeto kasoo baxday xafiiska Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad-alle (Ibraahim dheere) ayaa maanta lagu magacabay Guddiga xilwareejinta Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Casimadda Muqdisho.

Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad-alle (Ibraahim dheere) ayaa guddiga waxaa uu guddoomiya ugu dhigay Shiikh Cumar Xuseen Maxamed waxaa ayna ka kooban yihiin Sagaal Xubnood iyagoo ka shaqayn doona sidii ay u dhici laheyd Munaasabadda uu xilka kula wareegaayo guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Dhawaan ayaa war-qad kasoo baxday xafiiska Madaxtooyada Qaranka waxaa Duqa caasimada Mugdisho loogu magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) kadib Geeridii ku timid Allah U naxariistee Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Abdirahmaan Cumar Osman ENG. Yariisow.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close