Wararka

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka oo kulan la qaatay Axsaabta siyaasadda dalka.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay wada qaateen Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka iyo Axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka waxaana kulankaas oo ka qabsoomay Hotelka SYL shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga KMG ah ee Diyaarinta sharciga doorashooyinka Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa aragtidooda ku aadan shariciga doorashooyinka qaranka laga dhaagystay Axsaabta siyaasadda dalka ka jiro waxaana kulanka ka hadlay  Qaar ka mid ah madaxdii kasocotay Axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka iyagoo ugu mahadceliyay Guddiga sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka.

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka.Image may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sitting, drink and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people, people sitting, table, living room and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close