Wararka

Sanduuqa lacagta Aduunka Oo Sheegay In Soomaaliya Dhaqaalaheeda Sanadkii Lasoo Dhaafay Uu Aad U Kobcay

Sanduuqa lacagta adduunka Ee IMF ayaa soo saaray saadaal uu ku sheegay in dhaqaalaha soomaaliya uu sii kobcayo.

Warbixin ay soo saartay IMF Ayaa waxa ay ku sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sameeyay sanadkan koboc la taaban karo, kaasoo lagu qiyaasay 3.5% kana sarreeya qiimeyntii la sameeyay sanadkii tagay ee 2018 kaasoo ahaa 3.1%.

IMF ayaa ku sababeeysay kobaca iyo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya in ay ugu wacantahay dowladda Soomaaliya oo gudaha dalka ka fulinaysa barnaamijyo iyo mashaariic dhaqaale taasoo ay kormeerayaan deeq bixiyayaashu.

IMF waxa kale oo ay farta ku fiiqday in ay muhim tahay gacansiinta dhaqaalaha Soomaaliya ee soo xoogeysanaya oo saldhig u noqon kara  la dagaallanka saboolnimada, yareynta sicir bararka iyo fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga.

Warbixin middan ka horreysay oo ay soo saartay IMF Bishii Nofembar Ee sanadkiihore ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha kasoo xarooda gudaha dalka Soomaaliya uu gaaray 161 milyan oo doollar, iyadoo ay xusid mudantahay in IMF ay bilowgii bishan soo gabagabeeysay dabagalkiisii ugu horreeyay ee barnaamijkiisa dhaqaale ee joogtada ah oo uu Soomaaliya ka waday sida ku xusan qoraalka hay’adda.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close