Wararka

Madaxweynaha JFS iyo Amiirka Dalka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka dadweynaha iyo Badeecadaha.

Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu falanqeeyay sida ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Labada dhinac ayaa waxaa aay isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha,  kalluumeysiga, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close