Wararka

Wasaaradda warfaafinta oo beenisay in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka.

Wasaaradda warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa benisay warqad lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaysay in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaaradda ay dabagal ku hayso dadkii baahiyay warqadaasi ayna sharciga la tiigsan doonaan cid kasto oo lagu helaa warqadaasi been abuurka ah.

“Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka, mudane Hilaal, dowladda Soomaaliya waxa ay dabagal ku heysaa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahint” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close