Wararka

Ra’isul Wasaaraha Dalka Oo Xariga Ka Jaray Xabsiga Guud Ee Muqdisho o Si Casri ah Loo Dhisay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xuska 49-aad ee aasaaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray xabsiga guud ee Muqdisho iyo maxkamad casri ah oo laga hir-geliyay gudaha Taliska Guud ee Asluubta.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ciidanka asluubta ugu hambalyeeyay munaasabadda 49 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u ballan qaaday in madaxda qaranku kala shaqaynayso gudashada waajibadka qaran ee saaran iyo helidda dhammaan xuquuqaadaka ay leeyihiin isaga oo xasuusiyay in ciidanku ay yihiin laf-dhabarta dawladnimada dalka.

Xabsiga guud oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro, una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, ayaa meesha ka saararaya dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close