Wararka

Bahda garsoorka ayaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 49Aad ee kasoo wareegtay Aas Aaskooda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr: Axmed Cali Daahir,Wasiirka Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 49Aad  ee  kasoo wareegtay Aas Aaskooda.

Bahda garsoorka ayaa ciidamada Asluubta Soomaaliya waxaa uu ugu hambalyeeyeen sanadguuradii 49-aad ee kasoo wareegtay xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii taas oo maanta loo dabaaldagayo kadib shalay oo jimca aheed Owgeyd la dhigay dabaaldageeda maanta oo sabti ah 23-February.

“Waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan Sanadkan kiisa kale, waxaana tihiin tiir kamid ah bahda Cadaaladda”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka garyaqaan Abshir.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close