Wararka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulan la qaatay Taliyaha howl-galka Atlanta ee midawga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha howl-galka Atlanta ee midawga Yurub ee la dagaallanka Burcad-badeedda, Antonio Martorell, oo uu wehliyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga MARTINEZ.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in xeebaha dalka iyo marinnada gaadiidka badda laga dhabar gooya burcadda badaha ee dhibaatada amni iyo dhaqaale ku haya gobalka iyo guud ahaan caalamka.

Antonio Martorell ayaa ugu horeeyn u mahadceliyay  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaa uuna  dowladda Soomaaliya ku ammaanay dadaallada la dagaalanka falalka burcad-badeednimada iyo afduubka salka ku haya.

Taliyaha howl-galka Atlanta ee midawga Yurub ee la dagaallanka Burcad-badeedda ayaa ballan qaaday in ay dardar-gelinayaan dadaallada lagu wiiqayo burcad-badeednimada, si meesha looga saaro dhibaatada burcadda baddu ku heyso ganacsiga caalamiga ah, amniga badaha iyo dhaqaalaha.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close