Wararka

Gudoomiyaha golaha wakiilada ee Somaliland oo ka hadlay arigii loo gaystay xilibaan  Maxamed Axmed Dhakool.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ee maamulka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa uu ku leeyahay magalada Hargaysa ee xarunta mamulka Somaliland ayaa ka hadlay xarigii loo gaystay xilibaan  Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Xildhibaanada golaha wakiilada ee Soomaliland.

Gudoomiye Baashe ayaa sheegay in  wax laga xumumaado ay tahay in xilibaanka uu 18 May ku tilmaamo maalin gaar ah balse uu xilibaanku leeyahay xasanad islamarkaana uu ra’yigiisa cabiri karo xaraga loo gaystay ay tahay mid baalmarsan sharciga.

Godoomiye Baashe Maxamed oo sii hadlayey ayaa tilmaamay in mar uu isku dayay in uu booqdo xilbaanka balse loo diiday sida uu hadalka udhigay.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo ka tirsan xilibaanada golaha wakiillada Somaliland ayaa xuska maalinta 18 May  ku tilmaamay maalin madow, waxana intaa kadib ciidamada booliska Somaliland ay ka soo qabteen hoyga uu ka deganyahay Hargaysa kadibna xabsiga u taxaabay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close