Wararka

RA’IISUL WASAARE ROOBLE OO MAGACAABAY GUDDI FARSAMO OO KA SHAQEEYA QABANQAABADA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Xubnaha guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay waxa ay kala yihiin;

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.
4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland
5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.
6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland
7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.
8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.
9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.
14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close