Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hayádda ICRC ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa ICRC ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya Mr Juerg Eglin.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dowlad goboleedka  Puntland Jaamac Dabaraani oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo masuuliyiinta Hayádda laanqayrta cas ee ICRC kala hadlay in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka yimaada iyo sidii looga jawaabi lahaa sida ay u kala muhimsanyihiin.

“Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u sheegay Madaxda Hayádda ICRC in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka yimaada iyo sidii looga jawaabi lahaa sida ay u kala muhimsanyihiin” Ayuu yiri Jaamac Dabaraani, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash iyo Madaxa Hayádda laanqayrta cas ee ICRC Mr Juerg Eglin waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa ICRC ee Puntland Emmanuel Lippolis, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowlad Goboleedka  Puntland.Image may contain: 1 person, standing, suit and outdoorImage may contain: 4 people, people sitting, table, living room and indoorImage may contain: 1 person, standing, suit and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close