Wararka

Ra’iisul wasaare Rooble oo dib ugu soo labtay Muqdisho ka dib safar uu Baydhabo ugu maqnaa.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xusen Rooble ayaa kulan la qaatay sarakiisha Taliska qeybta 60aad ee xoogga dalka iyo kuwa amisom.

Saraakiisha ayaa Ra’isal wasaaraha warbixin ka siisay halka ay marayso ilaalinta amniga deeganada Konfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’isal wasaaraha ayaa Saraakiisha iyo Maamulka Koonfur Galbeed kula dar daarmay dar dar galinta amniga iyo kor u qaadista tayada ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta soo gabagabeeyay safar 3 cisho qaatay ee ku tagay Baydhabo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uu joogay Koofur Galbeed waxa uu xarigga ka jaray mashaariic kala duwan oo isugu jira Iskuullo, xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo dowladdu ka hirgaliay Koofur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Rooble ayaa dhagax dhigay dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, dhismeyaal wasaaradeed iyo goobo waxbarasho oo Dowladda Federaalka Soomaaiya ka hirgalineyso Koofur Galbeed Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close