Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qayb galay munaasabadda Maalinta Badaha Aduunka ee 8-da June.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay qeyb ka tahay ilaha dhaqaale ee ugu wayn Dalka...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Caasimda muqdisho kaga qayb galay munaasabadda Maalinta Badaha Aduunka ee 8-da June.

Olole lagu nadiifinayo xeebaha dalka ayaa laga sameeyay qaybo kamid ah xeebta caasimadda Muqdisho intii ay socotay munaasabadda Xuska maalinta caalamiga ah ee badaha oo ay si wadajir ah u diraariyeen sannadkaan wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dekadaha XFS.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda XFS, Maryan Aways, ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka warbixin kooban ka siisay munaasabadda xuska oo lagu maamuusay qashin saarka Xeebaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay qeyb ka tahay ilaha dhaqaale ee ugu wayn Dalka sidaasi darteet ay muhiim tahay in laga shaqeeyo hagaajinteeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido ballaaran.

Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar),  ayaa sheegay in Kheyraadka ku jira Badaheenna uu yahay mid ku filan Shacabka Soomaaliyeed, balse loo baahan yahay in si wacan loogu faa’iideysto.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close