Ciyaaraha

Eden Hazard oo ku biiray kooxda Real Madrid.

Eden Hazard ayaa kubiiray naadiga Real Madrid sida ay ku soo waramiyaan warbaahinada dalka Spain. laacibkaan ayaa xeshiis cusub u saxiixi doona kooxda Real Madrid kaas oo ku ekaan doona ilaa 2025.

Sida ay majalida Sky Sports kusoo waramayso naadiga Real Madrid ayaa qalinka ku duugi doonta adduun lacageed oo gaariya ilaa £88m.

Katagista premier league ee Eden Hazard ayaa noqon doontaa mid dhabar jab ku ah kooxda Chelsea iyadoo lasoo sheegaayo in ay haysanin laacib booska Hazard u buuxin karo waqti xaadirkaan sidookale waxaa uu qasaaro weyn ku noqoniyaa horyaalka England kadib Cristiano Ronaldo oo isna ka ambabaxay kooxda Man United isagoo ku biiray isla naadigaan Real Madrid.

Sida laga soo xiganaayo warbaahinada dalkab Spain waxaa Hazard si rasmi ah lagu soo bandhigi doonaa garoonka Santiago Bernabeu 13-ka bishaan Juun halkaas oo uu ku maridoona baaritaankiisa caafimaad.

Eden hazard ayaa bishii tagtay naadiga Chelsea kula guulaystay kaabka Europa League, cayaar ka dhacday garoonka Baku oo ay naadiga Arsenal kaga badiyeen 4-1 waxaa uuna noqday final-kiisi  ugu danbeeyay kooxda wuuna qaday kaabkii isagoo sidoo kale xili ciyaareedkiisi ugu horeeyay ee markuu kooxda kusoo biirayna kula guulaystay kaabkaan.

28-sano jirkaan kasoo jeeda qaranka Biljim ayaa kooxda Chelsea kaga soo biiray naadiga Lille 2012 waxaa ayna Chelsea kula soo wareegtay lacag garayso 32m pounds oo u dhiganta ($40.61m).

Hazard ayaa nadiga kula guulaystay kaabab badan waxaana xusid mudan in xili ciyaaredkiisi ugu horeeyay uu kooxda kula guulaystay kaabka Europa oo sidoo kale noqday guushiisi ugu danbeysay ee koxda uu ugu tagaayo, sidoo kale waxaa uu laacibkaan kooxda kula guulaystay horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedyadii 2015-kii iyo 2017-kii iyo si lamida hal kaabka League Cup iyo FA Cup-ka.

Laacibkaan ayaa kooxda xili ciyaareedkaan tartanka horyaalka Ingiriiska ka dhaliyay 16 gool halka 15 gool oo koxda loo dhaliyay uu asaga kadanbeeyay waxaa uuna ugu danbeyn naadiga kaga tagay iyagoo kujira kala sareenta horyaalka Ingiriiska kaalinta seddexaad halkaas oo ah boos fiican oo ay nadiga ku helayso fursad ah in ay markale ka ciyaaran horyaalka xiisaha badan the champion league.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close