Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Brussels kula kulmay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah, Neven Mimica.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Neven Mimica ayaa looga hadlay xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha dib-u-qaabeynta ee dowladdu wado.

Neven Mimica oo caddeeyay in midawga Yurub ay sii wadayo taageeradiisa arrimaha dib-u-habeynta ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay maal gelin xooggan oo wax ku ool ah, si loo gaaro horumarka la hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, u tagay inuu kulamo la qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close