Wararka

Qasaaro ka dhashay gawaari isku dhacday dalka Kenya.

Qasaaro ba’an ayaa ka dhashay shil gawaari isku dhacday oo ka dhacay dalka Kenya, waxaana shilkaasi gawaari ku dhintay Ugu yaraan 13 Qof halka 38 kalena dhaawacyo kasoo gaaray isku dhaca kawaarida.

Gawaaridaan ayaa maraayay inta u dhaxaysa degaanka Pala oo ka tirsan ismaamulka Kisumu iyo Magaalada Kericho ee Dalka Kenya waxaa ayna kala ahaayeen Gaari Bas ah iyo Baabuur xamuul ah.

Labadii Darawal ee Buska iyo Gaariga xamuulka ah ayaa ka mid ahaa Dadkii ku dhintay shilkan, sida uu Jariiradda Daily Nation u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska ismaamulka Kisumu, Benson Maweu.

Dhaawacyada ayaa la dhigay Cuspitaallada Ismaamulka Kisumu , iyadoo qaarkoodna ay xaaladdoodu liidato, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Laanqeyrta Cas ee Dalka Kenya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close