Wararka

Xaruntii hore ee Isbitaalka Deevaa oo loo badalay Xarun Gur-madka deg dega ah.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Amar ku bixiyay in xaruntii hore ee Isbitaalka Deevaa loo aqoon sada in ay noqoto qeyb kamid xarumaha gurmad deg dega ah ee musiibooyinka.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka XFS ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda lagu fulinaayay amarka kasoo baxay ra’iisal wasaaraha dalka.

Xaruntaan oo ay ku howlgali jirtay Isbitaalka Deevaa ayaa horey u aheyd Schoolka dugsigii sare ee wasaarada waxbarashada waxaana si rasmi ah u wada wareejiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Wasiir ku-xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa oo ay xaruntani soo Martay sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka XFS Dr Cabdullaahi Xaashi ayaa ka hadlmay ahmiyada goobtan ay leedahay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo ugu danbayn soo gunaanaday munaasabada ayaa warbaahinta u sharxay wax ay xaruntan noqon doonto iyo adeegyadii ay horey u bixin jirtay.Image may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 5 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close