Wararka

Qaramada Midoobe oo war ka soo saartay xaaladaha Gobolka Kashmir.

Hay’adda Qaramada Midoobe ayaa war kasoo saartay xaalada gobolka Kashmir oo dhawaan ay dowlada Hindiya kusoo rogatay xaalad DEG DEG

ah waxaa ayna hay’addu ka digtay xaaladaha Bani’aadanimo ee ka dhalan karo dagaal ka kharxo gobolkaas.

Dowlada hindiya ayaa gobolkaas gaysay kumanaan ciidankeeda Malitiriga ah waxaa ayna kusoo rogtay xaalad DEG DEG iyado ka daabushay dhamaanba dadkii deganaa deegaanada gobolka Kashmir iyadoo jartay qadadka Taleefoonada iyo waliba Interneedka.

Dhanka dowlada Pakistan ayaan wax war ah kasoo bixin waxaa ayna ka war dhowraysaa go’aanka ay Qaramada midoobe ka qaadatay abaabulka dagaal ee ay hadda ku jirto dowlada Hindiya.

Dowladaha Hindiya iyo Pakistan ayaa gobolkaas ku dagaalamay marar dhowr ah waxaa uuna mid kasto sheegtaa in uu isaga ka taliyo gobolka Kashmir.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close